Kitaabka Riyaadu Salixiin Sheekh Bashir Shiil
Xadiith uu u baahan yahay qof walba oo naga mid ah inuu indhaha ku hayo nolashiisa oo dhan kaas oo uu Nabigu kava hadlayo dadka Salaada tukanaya haddana aad u fududeynaya rukuucda iyo sujuuda Salaada. عن أبي هريرة رضي الله عنه قال قال رسول الله صلي الله عليه وسلم : إن الرجل ليصلي ستين سنة ، ما يقبل الله منه صلاة ، لعله يتم الركوع ، ولا يتم السجود ، ويتم السجود ، ولا يتم الركوع . وصححه الألباني في سلسلة الصحيحة رقم 2535. Macnihiisu wuxuu yahay : Qofku wuu tukanayaa 60 lixdan sanno, ilaahayna ka aqbali maayo Salaadiisa, waxaa laga yaabaa inuu dhamaystiro ( hagaajiyo ) rukuucdiisa, laakiin uusan dhamaystirin Sujuudiisa, ama inuu dhamaystiro Sujuudiisa oo uusan dhamaystirin Rukuucdiisa. Xadiith ku wuxuu inoo faa'iidaynayaa inaan hagaajino oo ay noqoto Salaadeenu Istaageeda, Rukuucdeeda, Sujuudeeda, iyo weliba inta u dhexeysa mid isla eg. Qofkaan Salaadiisa la aqbalin wax ka dambeeyna way adag tahay in la aqbalo. Ilaahow Salaadeena iyo Acmaasheena kaleba naga aqbal
Xilligii loogu rajada badnaa in ilaahay ducadeena aqbalo waa 10 kii dambe ee Ramadaan iyo habeenkii Laylatul Qadarka ayeynu soo guda galnay. Waxaan u dardaarmayaa nafteyda iyo walaalahayga dhamaan inaan u duceyno guud ahaan ummadda Islaamka gaar ahaana Diinteena Dalkeena iyo Dadkeenaba. Ka waran haddii 10 milyan oo Soomali ah niyad sami iyo ikhlaas ugu duceyso Dalkeena iyo Dadkeenaba ma kula tahay in laga waayayo qof haleela habeenkaas ama uu ilaahay ducadiisa inoo aqbalo. Aynu isu dardaarano inaynu u duceyno Diinteena Dalkeena iyo Dadkeenaba inuu ilaahay kor Ka yeelo dhibka naga saaro kuwii Diintooda ku dhaqmana inaga dhigo.
Ka faidaysta Duruusta iyo Muxaadarooyinka Sheekh Bashiir Shiil (Imamka Masaajidka Khalid Bin Al-Walid oo ku yaalo Toronto, Canada)
Mowduuca: Dardaaranadii Nabiga Qaybta 1aad Sheekh Bashiir