About

الأمر بالمعروف والنهي عن المنكر

Tags : #CommunityOrganization

Location :
xaafada biyo kulule wadada suuqa caanaha, 00252 Bosaso
Contacts :

15 Reviews

  • Anynomous
    19 October 2023

    Tacsi : انالله وانااليه راجعون ان لله مااخذوله مااعطي وكل شيءباجل مسمي waxa habeenimadii jimcaha ku geeriyootay magaalada garoowe macalimad sahra maxamed cilmi oo laga qaaday magaalada sheerbi ee gobolka karkaar. janatul fardowsa alla hageeyo waxay ahayd hooyadii dacwada deegaanka sheerbi xaafidul qur'aan ah waxay waqtigeeda inta ugu badan ku bixinjirtay barista qur aanka, subciska iyo maxaadaraadka dumarka waxay qur'aanka kubarijirtay dugsiga dumarka sheerbi xiliga kul...aylaha. Xiliga qaboobahana waxay qur,aanka dumarka ku barijirtay madarisada caaisha ee xaafada masjid dacwa ee magaalada bosaso iyo duksiyo kale. Waxay ahayd qof kadhex muuqata dacwada dumarka ee magaalada bosaso ilaah samir iyo iimaan allaah hanaga siiyo eheladii ay ka tagtay gaar ahaan zowjkeedii saaxiibkay C/risaaq qansax iyo caruurteedii iyadoo kalena rabbi hanasiiyo ducay naga mudantahay dhamaanteen.

    See More

  • Anynomous
    18 October 2023

    Xujayda soomalida ee sannadkan ku dhintay xajka iyagoo gudanaya acmaasha xajka.

    Dhimashada qaar ka mid ah xujeyda Soomaalida ee Sanadkaan iyo dhaawaca tiro kale ayaa timid kadib isbuurasho ka dhacday Magalada Mina.

    Laba Xujeyda Soomaaliyeed ka mid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay Magalada Mina.

    ...

    Tiro kale ayaa ku dhaawacantay kadib markii ay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5-KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka.

    Xujeydan geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina.

    Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in Laba qof oo Soomaali ah geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina.

    Sanad kasta ayaa waxaa jirta in ay dad ku dhintaan isbuurasho ka dhacda Xajka,waxaana dadkaasi ka mid noqda Soomaali ka mid ah dadka xajinaya.

    Martida illaahay ee gudanaysa Xajka ayaa ku guda jira Jamraadka, maalmo ayaana uga harsan dhameystirka Acmaasha Xajka.

    See More

  • Anynomous
    17 October 2023

    Ogaysiis muhiim ah. Dhamaan masaajida ku yaal deegaanada puntland waxaa laga codsanayaa in bari oo jimce ah khudbadaha jimcaha lamideeyo oo looga hadlo xeerka lagu mamnuucaayo gudniinka dumarka ee ay wasiirada mamulka puntland ansixiyeen. Xeerkaas oo kasoo horjeeda diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee umadda soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol mislim ah oo waligood islaam soo,ahaa. Xeerkaas oo aad moodo in laga sooguuriyey waddamo gaalo ah oo aan diinta islaamka aan ku dhaqmin.... Masjidka alrawda ee magaalada bosaso waxaa khudbada soo jeedinayaa shiikh cali maax waxayna ku saabsantahaya arintaas. Fadlan aan midayno khudbadaha oo aan diinta difaacno bulshadana aan ucadayno dhibaatada arintaaas. Mahadsanidiin.

    See More

  • Anynomous
    16 October 2023

    XEERKA JOOJINTA GUDNIINKA DUMARKA.

    Waxay isku raceen wasiiradii Puntland in laxiro 6 sano walidkii guda gabadhiisa. Gabadhii ogolatana in lagudo waxaa lagu xukumaayaa 1,Sano oo xabsiya, gudniinkaas Oo aan loo kalasaarin noociisa.

    ...

    Waa isku daygii labaad sharcigaan Kadib markii Xiligii Faroole uu barlamaanku diiday inuu ansixiyo.

    Wasiiradii sharcigaan keenayna xiligaas Oo ahaa ilaa 3 wasiir ayaa sheekh Cabdulqadir Nuur Faarax Raximahullaah uu kuyiri waa inay Towbad keenaan.

    Hadaba barlamaanka Hada jiraa ma ansixin doonaa qanuunkaan ay wasiiradii soo ansixiyeen.

    Sharcigaani Xagee laga keenay lagana soo copy gareeyey.waxaad modaa in sida ay u qoreen Iyo xeerarka ciqaabeed ee ay siyeen ay kasoo guuriyeen dowladaha qarbiga Oo ay kawada yimaadeen wasiiradaha intooda badan..

    Qanuunkaani wuxuu kasoo horjedaa diinteena Iyo sunnadii nabiga scw.waxuuna noqday gudninkii dumarku mid lagu raadiyo dhaqaale Iyo raaligalinta reer galbeedka.

    Gudninka fircoonigaa waa khalad saxna maahan waana in lagasoo horjeestaa,lakiin Waxaa jira Hab ay diinteenu jidaysay Oo kaduwan Fircoonigaas.waana macruuf.

    Hadaba waxay ahayd inta aysan iswada raacin, gudninka Oo dhana aysan xaraam kawadhigin inay islamka Iyo sharciga u bandhigaan.

    Waxaan rajaynayaa inay diidaan barlamaanku qanuunkaan,,!!

    See More

  • Anynomous
    16 October 2023

    Wasiirada miyaan loo waramin?

    Waxaa aad loola yaabay oo la isweydiiyey sida ay ku dhacday in golaha wasiirada Punland ay ansixiyaan xeer si cad uga hor imaanaya shareecada islaamka iyaga oo og in dastuurka Puntland uu caddaynayo in shareecada islaamku ay marjic u tahay qawaaniinta dalka, xeer kasta oo ka hor imaanayana uu yahay waxba kama jiraan?.

    Waxaa kale oo la isweydiiyey sida wasiiradu ay u garan waayeen diinta islaamku waxa ay ka qabto gudista gabdhaha iyaga oo muslimii...n ah oo dad muslimiin ah ka dhashay oo dal muslin ah jooga oo dad muslimiin ah xukumaya!.

    Waxaa dad badan amakaag ku noqotay in wasiiradu iska indhatiraan xeerka shareecada islaamka ku qotoma ee baarlamaanku horay u ansixiyey, ayna meelmariyaan xeer xaaraamaynaya wax diintu jidaysey, dadka sameeyana lugu ciqaabayo.

    Waxaa taa ka sii daran haddaysan mawduuca laga hadlayo aqoon u lahayn sababta ay culimada wax uga weydiin waayeen xeerka loo soo bandhigay.

    Dadka qaarkood waxay yiraahdeen waxaa dhici karta kuwa xeerkaan keenay inay dalka yaraan uga qexeen oo intaas ay gaala dhexdeed ku soo le'ekaadeen, diinta islaamka ee la sheegayana magac mooyee aysan wax kale ka aqoon.

    In wasiiradu ka war waayaan ama ismoogaysiiyaan mawqifkii baarlamaanku horay uga istaagay wasiiradii xeerkaan u ololaynayey ayaa iyana yaab kale noqotay!.

    Waxaa kaloo la sheegay inay suurtagal tahay in wasiirada qaarkood ay hunguri aawadi u taageereen ansixinta xeerkaan diinta khilaafsan iyaga oo aqoon u leh xugunka shareecada islaamka.

    Waxaa iyana suurtagal ah inay jiraan rag ikhyaar ah oo arrinta si xeelasaysan loo galinsiiyey oo sidaa ugu codeeyay. Hadday ogyihiin xaqiiqada waxa meesha ka socdama aan marna yeeleen.

    Waxaa iyana hubaal ah in aan arrintaan golaha wasiiradu u wada codayn ee ay jiraan rag diiday oo laga cod batay, aqoona u leh axkaamta gudniinka dumarka ee diinta islaamku dajisay.

    Say doontaba ha ahaatee waxaa loo baahnaa in loo waramo wasiirada aan aqoon diinta islaamka, dastuurka iyo xeerarka Punland, sooyaalkeeda iyo dhaqanka bulshada; si aysan bohol ugu dhicin ama aysan bad u galin.

    See More

  • Anynomous
    14 October 2023

    Ogaysiis muhiim ah. ciidwanaagsan. Bari salaada ciidul adxa waxaa lagu tukanayaa masjidka alrawda iyo isbartiimada kubada cagta ee magaalada bosaso iyo masajidka kale ee magaalada bosaso. Masjiska alrawda waxaa lafurayaa 5:30am subaxnimo waxaana lagu tukanaya saddexda debaqa ee masjida dabaqa hoose iyo kan sarre waxaa ku tukanayaa ragga ,dabaqa dhexena waxaaku tukanayaa dumarka. Salaada ciidul adxa waxaa lagalay 7:00am ee subaxnimo .... Khudbada ciidul adxa waxaa soo jeedinayaa shiikh cali maax. Dhan kale waxaa lagu tukanayaa isbartiimada ee kubadda cagta ee maagaalada bosaso. Salaada ciida ee isbartiimada waxaa bulshada reer bosaso waxaa kala qaybgalaaya mamulka guddomiyaha gobolka bari yuusuf maxamed wacays dhado iyo duqa degmada bosaso c/salaan bashiir c/salaan iyo xubno kale oo kamid ah maamulka puntland iyo culumada. Khudbada ciida waxaa soo jeedinaya shiikh faarax maxamed cajab. Kalmada culumada waxaa ku hadlaaya shiikh cismaan xaaji maxamud dirir. Xiriiriyaha kalmada ciidul adxa ee isbartiimada waa shiikh ismaciil maxamed yuusuf aadan. Fiiro gaar ah. Ciidan ee ciidul adxa waa ciid larabo in horay salaada loo tukado si udxiyada loo qalo. Mahadsanidiin.

    See More

  • Anynomous
    13 October 2023

    ‏للحجاج تلبية... ‏ولنا التكبير

    ‏ولهم الوقوف بعرفة .. ‏ولنا صيام عرفة

    ...

    ‏وعليهم الهدي... ‏وعلينا الأضحية.

    ‏فسبحان من أكرمنا وأكرمهم.

    تقبل الله طاعتكم في هذه الأيام العشر المباركة..

    See More

  • Anynomous
    13 October 2023

    Muslimiintii oo maantay taagan banka carafa. Waa rukniga ugu wayn xajka. Ilaahay haka aqbalo camalka xajka . Maalinta carafo waa maalinta ugu fadliga baddan aan ku dadaalno ducada.

  • Anynomous
    13 October 2023

    🌱 *أحَادِيث صَحَيحَة فِي فَضلِ #عَرفَة مِن كُتُب الإمَامِ الألبَاني*🌱

    1⃣ { *ما من يوم أكثر من أن يعتق الله فيه عبدا من النار من يوم عرفة وإنه ليدنو ثم يباهي بهم الملائكة فيقول: ما أراد هؤلاء*}. (سلسلة الأحاديث الصحيحة 2551)

    ...

    2⃣–{ *أفضل ما قلت أنا و النبيون عشية عرفة: لا إله إلا الله وحده لا شريك له ، له الملك و له الحمد ، و هو على كل شيء قدير}*. (سلسلة الأحاديث الصحيحة 1503)

    3⃣ -{ *صوم يوم عرفة يكفر سنتين ماضيه ومستقبله وصوم عاشوراء يكفر سنة ماضية}*. (إرواء الغليل للإمام 955)

    4⃣- { *صيام يوم عرفة إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي بعده والسنة التي قبله* }. (صحيح الترغيب والترهيب 1010)

    5⃣ -{ *مَن صام يوم عرفة غفر له سنة أمامه وسنة بعده* }. (صحيح الترغيب والترهيب 1011)

    6⃣ -{ *ما من يوم أكثر من أن يعتق الله فيه عبيداً من النار من يوم عرفة وإنه ليدنو يتجلى ثم يباهي بهم الملائكة فيقول ما أراد هؤلاء* }رواه مسلم ، وفي زيادة {اشهدوا ملائكتي أني قد غفرت لهم }. (صحيح الترغيب والترهيب 1154).

    7⃣- { *يوم عرفة ويوم النحر وأيام التشريق عيدنا أهل الإسلام وهي أيام أكل وشرب*}. (إرواء الغليل 130-131)

    8⃣- { *إن الله أخذ الميثاق من ظهر آدم يوم عرفة، و أخرج من صلبه كل ذرية ذرأها فنثرهم بين يديه كالذر ثم كلمهم قبلاً قال: ألست بربكم قالوا بلى*}. (صحيح الجامع 1701)

    9⃣- { *خير الدعاء يوم عرفة و خير ما قلت أنا و النبيون من قبلي : لا إله إلا الله وحده لا شريك له له الملك وله الحمد و هو على كل شيء قدير }*. (صحيح الجامع 3274)

    🔟 -{ *صوم يوم عرفة كفارة السنة الماضية و السنة المستقبلة*}. (صحيح الجامع 3805)

    1⃣1⃣- *{ اليوم الموعود يوم القيامة و اليوم المشهود يوم عرفة و الشاهد يوم الجمعة و ما طلعت الشمس و لا غربت على يوم أفضل منه فيه ساعة لا يوافقها عبد مسلم يدعو الله بخير إلا استجاب الله له و لا يستعيذ من شر إلا أعاذه الله منه }* (صحيح الجامع (8201)

    See More

  • Anynomous
    03 October 2023

    Ogaysiis Khudaba jimcada masjidka alrawda iyo mataankiisa masjidka afwaaj. Masjidka alrawda khudbada waxaa soo jeedinayaa shiikh cali maax waxayna ku saabsantahay fitanta. Masjidka cusub ee afwaaj oo masjidka rawda mataan la,ahna waa jimcadii ugu horaysay ee khudbo laga akhriyo waxaana soo jeedinayaa ustaad mawliid waxayna ku saabsantahay tobanka dilxija. Masjid afwaaj wuxuu ku yaal magaalada bosaso jidka soddonka asbuucan ayaa gacanta laga jaray.

  • Anynomous
    01 October 2023

    Ogaysiis muhiim ah. Salaada duhur ee maantay ayaa masjidka rawda ee magaalada bosaso lagu tukanayaa janaasadii c/lahi cali cumar ilaah ha,unaxariistee. Fadlan kasoo qaybgal oo gaarsii dadka kale si ay uga soo qaybgalaan.

  • Anynomous
    17 September 2023

    Ogaysiis muhiim ah. Caaway oo khamiis ah bacdal makhrib waxaa masjisdka wayn ee altaqwa ee magaalada carmo ka bilaabanaysa nadwadii sannadlaha ahayd oo sannadkan ah nadwadii labiyo tobnaad. Sanndkan nadwadu waxay ku saabsantahay akhlaaqda wanaagsan . Sannadkan waxaa ka qaybqaadanaaya culumada kala ah. Shiikh c/rixman bukhaari.... Shiikh axmed dahir. Shiikh fu,aad xaaji nuur. Shiikh maxamud xaaji yuusuf. Nadwadu sannadkan waxay soconaysa saddex habeen. Mu,asasada alminhaaj faraca bari gaar ahaan xafiiska degmado carmo ayaa soo diyaariyey nadwda sannd walbana diyaariya.

    See More

  • Anynomous
    14 September 2023

    Jaamacadda Bariga Afrika

    Jaamacada bariga africa waxay hambalyo udiraysaa dhamaan ardayda heshay natiijada fasalka afraad ee dugsiga sare gaar ahaan 16 arday ee puntland ugu sareeya. Ku soo dhowaada Jaamacadda Bariga Afrika oo idiin haysa fursado badan oo aqoon tayo leh aad ka helaysaan. Jaamacada bariga africa waa jaamacadii ugu horaysay ee laga furo puntland. Waana jaamacada ugu faracyada baddan, uguna kuliyadaha baddan.... waxaad ka helaysaan kuliyad alaale kuliyada aad rabto iyo macalimiin takhasus ah waana jaamacada kaliya ee waddanka ku taal ee leh waxbarashad mastarka . Jaamacada bariga africa waa hooyada jaamacadaha deegaamada puntland. Halkudhaga jaamacada bariga africa waa hel waxbarasho tayaleh adoo jooga gurigaaga oo aadin meelo fogfog.

    xafiiska warbaahinta jamaacada bariga africa.

    See More

  • Anynomous
    11 September 2023

    Mu,asasada Al-minhaaj puntland. waxa ay u hambalyaynaysaa dhamman ardayda heshay natiijada fasalka 4aad ee dugsiga sare gaar ahaan 16 arday ee puntland uga sareeya.

    si gaara waxay ay mu,asasada Al-minhaaj u hambalyaynaysaa dugsiyada ku midoobay dalladda waxbarashada ehligaa ee PEN oo helay 12 kamida 16 arday ee ugu sareeya puntland. dugsiyadaas oo kala ah:-... 1. iskoolka najax oo helay (5) arday 2. iskoolka imaamu nawaawi bosaaso oo helay (4) arday 3. iskoolka shafici oo helay (1)arday. 4. iskoolka nawawi garowe oo helay(1) 5. iskoolka Al-Waaxa garowe oo helay (1) arday.

    waxa ay sidoo kle mu,asasada Al-minhaaj u hambalyaynaysaa iskoolka #Najax oo helay 5 arday ahna tirada uga badan ardayda puntland uga saraysa, sidoo kale helay #ardayga ugu sareeya ardayda puntland.

    Xafiiska warbaahinta alminhaaj puntland

    See More

  • Anynomous
    11 September 2023

    Ogaysiis muhiim ah Khudbada jimcada masjidka wayn ee alrawda ee magaalada bosaso waxaa bari soo jeedinaaya dr.maxamed faahiye ciise waxayna ku saabsantahay Tarbiyada caruurta waa mas,uuliyad lawadaleeyahay. Ka faa,iidaysi wacan.